News & Events

Daawo: Munaasabad Ballaaran Oo lagu xusayay Maalinta Afky Aayow oo Baydhabo lagu qabtay.

Baido(USS)- 16 sano Guuradii Kasoo Wareegatey Markii Hay'ada UNESCO u aqoonsatey 21 Febuary 1999  Maalinta Afka Hooyo Ayaa Maanta Waxaa Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay Lagu Qabtey Munaasabad Loogu Dabaaldageyey Maalinta Caalamiga Ah Ee Afka Hooyo Oo Ku Beegan 21 February.

Munaasabada waxa Soo Qaban Qaabisey Jaamacadda Koonfur Soomaaliya Ee Magaalada Baydhabo.

 

Waxaana Munaasabada Ka Qeybgaley Masuuliyin Ka Tirsan Koonfur Galbeed Oo Ugu Horeeyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada warfaafinta Iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur galbed, Agaasimaha Waxbarashada Koonfur Galbeed, Gudomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Baydhabo Cabdulahi Cali Watiin Wakiilka Akadeemiyad gobaleedka Af Soomaliga Ee xarunta Koonfur Galbed Prof. Mahamed Ali Kallay, Abwaano, Ururada Haweenka, Dhalinyaro Iyo Marti Sharaf Kale.

Waxaa ugu Horeyn Ka Hadley Oo Ujeedka Munaasabdana Sharaxaad Ka Bixiyey Wakiilka Akadeemiyad Gobaleedka Af Soomaliga Ee Xarunta Koonfur Galbeed Proff. Maxamed Ali Kalllay.

Abwaan Maxamed Anjeex Oo Kamid ah Abwaanada Ugu Caansan Gobalada Koonfureed Ee Dalka Iyo Abwaan Muxsin Jaamac Jaakoole Oo Isna Ka Mid Ah Abwaanada Koonfur Galbed Ayaa Sidoo Kale Iyaguna Goobta Munaasabada Ka Dhaceysay Ka Jeediyey Ereyo Ku aadan Xuska Maalintan Ee Afka Hooyo.

Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada Cabdulaahi Cali Watiin ayaa Sidoo Kale Isna Kamid ahaa Masuuliyiintii ka Qeybgashey Munaasabda Lagu Weyneynayey Xuska Maalinta Caalmiga ah Ee  Afka Hooyo Isagoona Ka Hadley Muhiimada Maalintaan Ay u Leedahey Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed Aba Aawow Suufi Cafaan Ayaa Ugu danbeyntii Munaasabada Soo Xirey Isagoona Sheegay In Ay Muhiim tahay Xuska maalintan Ee Afka Hooyo Isagoona Dhanka Kale Sheegey In Sanadkan Sanadkiisa laga dareemi Doono Gobalada Koonfur Galbeed Xoojinta Afka Hooyo Ee Maayga Maadama Uu Sheegay Inta Badan In Masuuliyiinta Iyo Bulshadaba Ay Yareeyeen Ku Hadalka Afka Soomaali Maayga.

 

News & Event, Uss, Baidoa, Somalia